Abwaan Hadraawi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa

Published: August 18, 2022
Shares48
Abwaan hadraawi maxamed ibraahim warsame

Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa maanta oo Khamiis ah 18 Agoosto ku geeriyooday Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Abwaan Hadraawi oo si weyn looga yaqaanay guud ahaan gayiga Soomaaliyeed ayaa u geeriyooday xanuun muddo dheer hayey, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelladiisa.

Maxamed Ibraahim Warsame ayaa ahaa tiir weyn oo sugaanta, afka iyo dhaqanka Soomaaliyeedba ku tiirsan yahay.

Marxuum Abwaan Hadraawi oo ahaa 79 sano jir, waxa uu ku caan baxay fanka iyo sugaanta, isaga oo sameeyey gabayo, maansooyin, heeso iyo ruwaayado isugu jiro waddani, dhaqan iyo jacayl.

Allaha u naxariistee geerida Marxuumka waxaa ka tacsiyeeyey madax kala duwan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *