Abwaan Jaamac Kadiye (AUN) Oo Lagu Aasay Magaalada Gambadhe

Published: August 17, 2023
Shares12

Alle ha u naxariistee, Abwaan Jaamac Kediye Cilmi oo shalay ku geeriyooday duqayn ay ciidamada Somaliland ka geysteen magaalada Laascaanod ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada Gambadhe ee gobolka Sool.

Dadweyne aad u badan ayaa kasoo qaybgalay aaska marxuumka oo ay ku jiraan Isimada SSC, Masuuliyiinta Puntland, hogaanka cusub ee SSC iyo boqolaal shacab ah oo isaga yimid magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood.

Rabbi ha naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye waxa uu ahaa abwaan si weyn loo yaqaan, waxa uu ka soo shaqeeyey dowladdii hore ee kacaanka, waxaana uu caan ku ahaa midnimada dalka iyo inaan la kala goyn.

Isimada dhaqanka SSC oo ka hadlay aaska ayaa sheegay inay jawaab adag ka bixin doonaan madaafiicda joogtada ah ee ciidamada Somaliland, goor dhowna laga saari doono taliska Goojacade ee duleedka Laascaanood.

Horseed Media