Addis Ababa: Itoobiya iyo dedaladii ugu danbeeyey ee xal u helidda gobolka Sool

Published: March 15, 2023

Dowladda Itoobiya ayaa dalkeeda ugu yeertey Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo kan Somaliland Muuse Biixi Cabdi, sidoo kale waxaa horey ugu sugnaa guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland iyo hoggaamiyaasha xisbiyada mucaaradka.

Itoobiya oo wefdi u soo dirtey gobolka todobaadkii hore ayaan ku guuleysan dedaalkoodi, kadib markii Muuse Biixi diidey shardiga ku xirnaa wada hadalka oo ahaa in ciidankiisa uu geysto magaalada Oog.

Wada hadalka ayaa hadda la soo geliyey Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo maalintii shalay gaarey Adis Ababa, sida Horsed Media ogaatey Madaxweynaha Puntland ayaa ku adkeystey in dadka deggan gobolka Sool iyo Cayn ay aayahood ka tashtaan haddii ay doonayaan maamul gaar ah loo dhiso iyaguna soo dhaweynayaan, Somailand ay ciidankeeda kala baxdo.

Wararku waxay sheegayaan in Itoobiya dooneyso inta laga gaarayo in maamul gooni ah l oo dhiso SSC ay Puntland dib ugu soo noqoto gobolka, maadaama hadda ay dagaalka kuwada jiraan.

Muddo laba todobaad ah ayaan wax dagaal ah dhicin, waxaana labada dhinacba ka war sugayaan dedaalada ugu danbeeyey ee socda, kuwaas oo weli wax natiijo ah lagagaarin.

Horseed Media