Addis Ababa: Tirada dadka ku dhintay buurtii Qashinka ee soo duntay oo sii korortay – VIDEO

Published: March 13, 2017

Waxaa sii kordheysa khasaaraha ka dhashay buur qashin ah oo kusoo duntay dad sabool ah duleedka caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Ugu yaraan 46 qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen buurtan qashinka ah oo kusoo duntay boqolaal dad ah oo goobtaasi ku sugnaa.

Qaar kamid ah dadka ku nool nawaaxiga goobta lagu qubo qashinka laga keeno magaalada Addis Ababa ayaa shilkan ku eedeeyey mas`uuliyiinta dowlada hoose.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in qashin dheeraad ah lagu qubay dusha buurtaasi qashinka ah oo ugu danbeyntii kusoo duntay dadka halkaasi ka baarta qashinka oo in badan oo kamid ah weli la la`a yahay.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *