Afar kamid ah Ururada siyaasadda Puntland oo ku baaqay in la hakiyo diiwaan-gelinta

Published: December 28, 2022

Ururadda kala ah Mideeye iyo horseed  Shaqaala iyo dhalinyaradda ayaa war saxaafadeed ka soo saaray dhowaan hadalkii ka soo baxay Madaxweyna Deni ee ku aadanaa inuu aqbalay qodobadii ay ka baxay Ururada.

Ururadan ayaa ugu horeyn sheegay in warqada ka soo baxday Madaxweyne Deni aysan jirin cid si toos ah ugu socotay iyagoo sii raaciyey in aanu saxiixneyn warqadaasi.

Ururrada ayaa Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ku eedeeyey in uu ku tuntay dastuurka Puntland, waxa ayna ku baaqeen in gebi ahaanba la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod inta laga heshiinayo.

Afarta Urur Siyaasadeed ayaa sheegay inaysan Guddi doorashada ee TPEC dhab ka aheyn.

“Gudiga TPEC hadey dhab ka tahay Madax banaanida ay sheeganayaan waa in ay joojiyaan diiwaangalinta aan laisla ogoleyn” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Afartan Urur ayaa ugu dambeyn soo jeediyey in shir u dhaxeeya Xukuumadda iyo Ururada laysku yimaado si loo sameeyo qorshe dhameystiran oo heshiis lagu wada yahay. 

Horseed Media