Afgenbi milteri oo ka dhacay dalka Myanmar

Published: February 1, 2021
Myanmar leader Aung San Suu Kyi watches the vaccination of health workers at hospital Wednesday, Jan. 27, 2021, in Naypyitaw, Myanmar. Health workers in Myanmar on Wednesday became the country’s first people to get vaccinated against COVID-19, just five days after the first vaccine supply was delivered from India. (AP Photo/Aung Shine Oo)

Hoogaamiyaha Myanmar Aung Suu Kyi iyo Madaxweynaha aan awooda lahayn ee dalkaas Win Myint iyo weliba xubno sare oo ka tirsanaa Dowaldda ayaa ciidamada Mileteriga ee Myanmar xabsiga u taxaabeen, kadib afgenbi Milteri ee ka dhacay Myanmar

Mudadii uu socdey afgenbiga Milteri waxaa la jarey dhamaan isgaarsiinta, waxaana la demiyey telefishanka Dowladda.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah gawaarida ciidamada ayaa lagu arkayay wadooyinka iyo aqalka dowladda hoose ee magaalada ugu weyn Myanmar ee Rangoon.

Ciidamada Mileteriga ayaa hadda xaqiijiyey in ay la wareegeen talada Myanmar, isla markaana ay xabsiga u taxaabeen hoggaamiyaasha ay ku tilmaameen kuwo ku kacay musuqmaasuq.

Milteriga oo ka hadley telefishanka ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee ay talada mar kale ula wareegeen ay tahay Musuqmaasquu ka dhacay doorashadii dhamaadkii sanadkii hore taas oo si weyn ay guul uga gaareen Xisbiga ay hoggaamiso Aung Suu Kyi.

Ciidamada ayaa sheegay in xaalad degdeg ah dalka la geliyey, muddo sanad ahna ay xilka haynayaan.

Haweynayda inqilaabka lagu sameeyey Aung Suu Kyi ayaa muddo badan xabsi guri ku soo qaadatey, ka hor inta aysan talada dalkaas la wareegin, waxa ay horey ugu guuleysatey abaalmarinta nabadda ee Nobel, laakiin waxay sharafteedi iyo tixgelintii loo hayey ku weydey markii ay qayb ka noqotey xasuuqii Muslimiinta dalkeeda ku noolaa.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *