Afghanistan: Daacish oo sheegatay weerarkii Jaamacada Kabul

Published: November 3, 2020
Jaamacada Kabul ayaa la dhisay 100 sano kahor.

Ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhintay weerar ay maleeshiyaad hubeysan ku qaadeen Jaamacada Kabul ee caasimada Afghanistaan subaxnimadii Isniinta.

Weerarkan ayaa sida la xaqiijiyey fuliyeen sadex nin oo ku labisan dareeska ciidamada militariga, kuwaasi oo rasaas ku furay ardaydii ku sugneyd xarunta weyn ee jaamacada.

Ciidamada Amniga ayaa ugu danbeyntii toogtay kooxda weerarka soo qaaday, waxaana muddo dheer aan la ogeyn cidda ka danbeysay weerarkan.

Kooxda Talibanka ayaa iyadu iska fogeysay inay weerarkan wax ka ogeyd, balse kooxda Daacish ayaa mar danbe sheegatay inay weerarkaasi iyadu fulisay.

Weerarkan Daacish maaha kii ugu horeeyey oo ay ka fuliyaan caasimada Afghanistan, waxaana weerarkan lagu soo beegay xili uu wadahadal u socdo Talibanka iyo Dowlada Afghanistaan.

Cabdirsaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *