Afghanistan: Jaamacada Kabul oo la weeraray

Published: November 2, 2020

Wararka kasoo baxay magaalada Kabul caasimada Afghanistan ayaa sheegaya in subaxnimadii Isniinta weerar lagu qaaday xarunta Jaamacada magaaladaasi.

Ciidamada Amaanka ayaa xiray gebi ahaan nawaaxiga Jaamacada, iyadoo illaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Kooxda Talibanka oo si deg degleh uga hadashay weerarkan maanta ayaa sheegtay inaysan kooxdaasi wax lug ah ku lahayn weerarka lala beegsaday Jaamacada.

Kooxda Talibanka ayaa ah mid inta badan weerarada ka geystay dalkaasi, waxaase sanadihii lasoo dhaafay weeraro waaweyn ka geystay gudaha dalkaasi kooxda Daacish oo intooda badan ka kooban maleeshiyaad xagjir ah oo ka goostay Talibanka.

Cabdirisaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *