Afghanistan: Shacabka Qaxaya iyo Dagaalo xoogleh oo ka socda Magaalo muhiim ah

Published: August 4, 2021

Kumanaan kun oo shacab ah ayaa isaga qaxay magaalada Lashkar Gah ee koonfurta dalka Afghanistaan halkaasi oo ay ku dagaalamayaan ciidamada Dowlada iyo Talibanka.

Dowlada ayaa soo saartay amar ah in shacabka ku nool magaaladaasi oo gaaraya 200-kun qof inay halkaasi isaga baxaan iyagoo doonaya inay duqeeyaan qeybo kamid ah magaaladaasi oo ay gacanta ku dhigeen kooxda Talibanka.

Dhinaca kale magaalada Caasimada ah ee Kabul ayey ka dhaceen qaraxyo shalay iyo saaka oo ay ku dhinteen ugu yaraan 8 ruux.

Xukuumada Afghanistan ayaa dooneysa inay la wareegato gacan ku heynta magaalada Lashkar Gah oo ah magaalada ugu weyn oo ay illaa iyo hada gacanta ku dhigeen kooxda Talibanka oo bishii May bilaabay duulaano cusub oo ay ku qabsadeen gobalo badan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *