Afghanistan: Weerar lagu qaaday Isbitaalka Militariga Kabul

Published: March 8, 2017

Koox hubeysan ayaa Arbacadii gudaha u galay isbitaalka militariga ee ku yaal magaalada caasimada ah ee Kabul.

Isbitaalka Sardar Daud Khan ayaa ah kan lagu hayo dhaawacyada militariga waana midka ugu weyn ee ku yaal dalkaasi Afghanistaan.

Weerarkan ayey sheegatay kooxda Daacish faraceeda Afghanistan.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay xirnaayeen dareeska ciidamada, halka mid kamid ah maleeshiyaadkaasi uu xirnaa dareeska dhakhaatiirta xaruntaasi ka shaqeysa.

Waxaa saacado badan laga maqlayey rasaasta iyo qaraxyada gudaha xaruntaasi oo ku taal xaafada Wazir Akbar Khan ee bartamaha caasimada Afghanistan.

Goobta duulaanka lagu qaaday ayaa ah mid si weyn loo illaaliyo, waxaana meel ku dhaw isbitaalkaasi ku taal safaarada Maraykanka.

Dowlada Afghanistan ayaa sheegtay in ay weerarkan ku dhinteen ugu yaraan 30 ruux.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *