Afhayeenka Aqalka Congress-ka Maraykanka oo loo doortay Kevin McCarthy

Published: January 7, 2023
Shares26

Afhayeenka Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa loo doortay Kevin McCarthy oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kadib markii uu tanaasulaad badan u sameeyay koox ka mid ah garabka midig ee mayalka adag oo su’aalo badan ka keenay awoodda hoggaamintiisa.

McCarthy ayaa helay 216 cod, isaga oo waayay hal cod oo ka mid ah tirada looga baahnaa guushiisa wareegii 14-aadd, iyadoo koox yar oo garabka midig ah ay taako u dhigteen, inkastoo uu ballanqaaday kharash dhimis iyo tanaasulaad kale, taas oo sababtay inuu ku guuleystay codadka qaar badan oo ka mid ah asxaabta garabka midig oo hore u diiddanaa.

57-jirkan oo laga soo doorto California ayaa 14 goor waxaa diiday ugu yaraan 20 xubnood oo ka tirsan xisbigiisa.

Natiijadan ayaa waxay jahawareer ku ridday golaha wakiilada kadib muddo toddobaad ah oo ay codeyn is daba joog ahi socotay, taasoo iftiimisay kala qaybsanaanta xubnaha xisbiga Jamhuuriga.

Waa markii ugu horreysay tan iyo 1859kii ee xarunta Congress-ka Mareykanka wajado doorasho ragaadisa howlaha shaqo ee xubnaha Congress-ka.

Waan ku faraxsanahay inay soo idlaatay doorashadii” ayuu yiri kadib guushiisis.

Madaxweyne Joe Biden ayaa u hambalyeeyay Kevin McCarthy isaga oo sheegay inuu diyaar u yahay in wadashaqeyni ay dhex marto hoggaanka Jamhuuriga.

Horseed Media