Afti Dadweyne oo ka dhacaysa Gobolka Sidama ee Dalka Ethiopia

Published: November 20, 2019

Qowmiyada Sidama oo ka tirsan shucuubta ismaamulka koonfureed ee dalka Ethiopia ayaa maanta u dareeray afti doorasho gaar ah oo ay go’aan kaga gaarayaan ismaamul hoose oo uu goboladoodu ay yeeshaan.

Dad ka badan 2 Milyan oo qof ayaa xaq u leh inay codkooda dhiibtaan, iyagoo ka codaynaya 1700 goobood oo loo qoondeeyay inay ka dhacdo doorashadu. Qowmiyada Sidaama ayaa 4% ka ah shacabka dadlkaasi Ethiopia oo lagu qiyaaso 105 Milyan oo Qof.

Hadii natiijadu aftida noqoto in shacabku ku codeeyaan HAA, Gobolka SIDAMA wuxuu noqon ismaamul Degaameed, isagoo xaq u yeelan doona qaadida cashuuraha degaanka, maxkakamadaha, waxbarashada, caafimaadka, amniga iyo arrimo kale

Ilaa 17 qof ayaa ku dhintay gobolkaasi bishii July ee Sanadkan ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada Booliiska ethiopia iyo shacab ka caraysan in dib loo dhigo aftida doorashada degaankaasi.

Dhinaca kale, Aftida maanta ka dhacaysa gobolka Sidama ay waxaa si dhow ula socda Qowmiyadaha kale ee dalkaasi oo lagu sheego inay yihiin 80 Qowmiyadood. Sidoo kale waxay tijaabo u tahay isbedelka uu dalkaasi ka wado ra’isul wasaaraha Ethiopia Abi Axmed

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *