Agaasimaha CIA oo safar qarsoodi ah ku yimid Muqdisho

Published: January 18, 2024
Shares28

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, William J. Burns, ayaa maalintii shalay ee Arbacada booqasho aan la shaacin ku tagay magaalada Muqdisho, waxaana uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. William Burns ayaa sidoo kale la kulmay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Mahad Salaad.

Kulanka ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ka hor inta aan madaxweyne Xasan Sheekh safar ugu bixin dalka Uganda.

Ilo-wareedyo ku dhow dhow Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laanta af-Soomaaliga ee VOA u xaqiijiyey socdaalka Burns ee Muqdisho, waxayna sheegeen inuu kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya arrimo badan oo ay ka mid tahay qodobkii xasaasiga ahaa ee ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya la gashay Somaliland.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale labada dhinac ay isla soo qaadeen sida heshiiskan is-afgaradka ah uu u saameyn ugu yeeshay ammaanka guud ee gobolka.

Booqashada William Burns ayaa imaaneysa iyada oo warar hoose sheegayaan in Soomaaliya dooneyso in ay saldhig Mileteri ka siiso badda cas dalka Turkiga.

Dowlada Marakanka ayaan weli ka hadlin booqashada qarsoodiga ah ee Agaasimaha CIA-da.

Horseed media