Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta DFS oo xilkii ka qaaday tafatirihii Tvga Qaranka.

Published: April 13, 2020

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska DFS Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala ayaa soo saaray wareegto xilka looga qaaday tifaftirihii TV-ga Qaranka Faysal Muuse Maxamed, Cadaal ayaa sheegay in Tafatiruhu uu ahaa shaqsigii baahiyay waqrad maalmahan baraha bulshada haystay taas oo lagu soo bandhigay shaqaale loo rabo tvga qaranka.

Sidoo kale Agaasimuhu wuxuu xusay in Shaqada laga joojiyay tafatirihii tvga qaranka Faysal Muuse si ku meel gaarna loogu dhiibay xilkaas Cabsinaasir daahir Sabriye, Waxa uuna tilmaamey in la marsiin doono anshaxiisa ku haboon. Tafatiraha ayaa saacad ka hor sheegay in shaqadaas isaga tagay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *