Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Salaad oo ku wajahan degmadda Doolow ee Gobolka Gedo

Published: December 19, 2022

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonaka Qaranka NISA Mahad Maxamed Salaad iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay gaaraan degmadda Doolow ee Gobolka Gedo.

Agaasime Mahad Salaad ayaa lagu wadaa in kulamo la la yeesho qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobalka, xilli halkaas ka socda abaabul ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Magaalada Doolow ku sugan Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) iyo Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare, iyagoo halkaas kulamo ka sameeyey.

Safarka Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonaka Qaranka NISA Mahad Maxamed Salaad uu ku tagayo Gobolka Gedo ayaa ku soo beegmaya xilli khilaaf xooggan uu kadhaxeeyo Maamulka Gobolka iyo Jubbaland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe.