Agaasimaha Tamarta Nukliyeerka oo Tehran kala hadlaya kobcinta Yuraaniyaamta

Published: November 10, 2024
by: Ali. Y

Warbaahinta rasmiga ah ee Iran ayaa sheegtay Axadii in Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Tamarta Nukliyeerka, Rafael Grossi, uu booqan doono Iran Arbacada soo socota, wuxuuna bilaabi doonaa la tashiyo uu la yeelanayo madaxda Iran maalinta xigta.

Grossi wuxuu ka sheegay masraxa X, inuu booqan doono Iran toddobaadkan si uu kulamo ula yeesho saraakiisha Iran.

Grossi waxa uu sheegay Arbacadii ina dhaaftay, in laga yaabo in uu aado Iran maalmaha soo socda si uu ugala hadlo barnaamijkeeda Nukliyeerka iyo in uu filayo in uu si wada jir ah ula shaqeeyo madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump.

Arrimaha muddada dheer la sugayay ee u dhexeeya Iran, IAEA, iyo quwadaha reer galbeedka waxaa ka mid ah ka hortagga Tehran ee khubarada kobcinta Yuraaniyaamka ee xidhiidhka la leh kooxaha kormeerka ee wakaaladda inay dalka soo galaan, iyo Tehraan oo ku guuldarraysatay inay sababto sannado badan raadadka Yuraaniyaamta oo laga helay goobo aan la shaacin.

Iran ayaa tan iyo sanadkii 2019 xoojisay dhaqdhaqaaqeeda Nukliyeerka, kadib markii uu xiligaasi Madaxweyne Trump ka baxay heshiiskii 2015 ay Iran la gashay quwadaha aduunka, kaasoo ay ku xadiday tayeynta, taasoo ay reer galbeedku u arkaan inuu yahay mid daboolaya horumarinta awooda sameynta hubka Nukliyeerka, iyo dib u soo celinta cunaqabatayn adag oo Maraykanku saaray Iran.

Horseed Media