Agaasimayaashii SNTV, Radio Muqdisho iyo SONNA oo xilalkii laga qaaday

Published: November 3, 2019

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa uu xilalkii ka qaaday Agaasimayaashii SNTV, Radio Muqdisho iyo SONNA, isaga oo magacaabey agaasimeyaal cusub.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maareeye ayaa waxaa xilkii Agaasimaha SNTV looga qaaday  Liibaan Cabdi Cali, iyada oo xilkaas loo magacaabey Faarax Salaad Dharaar.

Agaasimihii  Wakaaladda wararka SONNA ayaa xilkii laga qaaday, iyada oo xilkaas loo magacaabey Cali Cabdiqaadir ( Cali Maykal ).

Sidoo kale Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Fitaax Daahir Jeyte ayaa xilkii laga qaaday, waxaana xilkaas loo magacaabey Yaxye Cali Faarax.

Hoos ka akhriso warqada magacaabista agaasimo waaxeedyada Warbaahinta Dowladda iyo Wasaaradda Warfaafinta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment