Agaasime Cusub oo loo magacaabay Bankiga Dhexe ee Dowladda Puntland

Published: March 19, 2024
Shares16

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 19-ka March 2024, ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5-aad iyo Qodobkiisa 109-aad faqradiisa 3-aad

Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe ee Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

* Waxaa Khadar Cabdi Axmed loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe ee Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Horseed Media