Agaasime ku-xigeenka Hay’adda UNDP u fadhida Dalalka Carabta Marwo Marina Walter ayaa soo gaartey Muqdisho

Published: October 9, 2024

Ku-xigeenka Agaasime Goboleedka Dalalka Carabta ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay UNDP Marwo Marina Walter iyo wafdi ay hoggaaminaysay ayaa oo gaarey magaalada Muqdisho waxaana ay kulamo la qaadatey qaar kamid ah madaxda dowladda federaalka.

Marina Walter ayaa kulankeedi u horeysey la yeelatey Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalim Fiqi. Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka ayaa looga hadley sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isuduwidda wadajirka ah ee u dhexeeya UNDP iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa uga mahad celiyay Marwo Walter doorka muhiimka ah ee UNDP ay ka qaadato horumarinta Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada shaqeynta dhinacyada kala duwan.

Intii lagu jiray kulanka, waxaa si gaar ah loogu falanqeeyay arrimo badan oo dan guud ah, iyadoo lagu nuuxnuuxsaday muhiimadda isuduwidda dadaallada horumarineed si looga faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, sida beeraha iyo kalluumeysiga. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay caqabadaha jira iyo hababka ugu habboon ee looga gudbi karo si loo gaaro yoolalka horumarineed ee dalka.

Ms. Marina Walter ayaa sidoo kale kulan la qaadatey wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka Xasan Macalim Maxamuud kulanka oo ka dhacay xarunta UNDP ee Muqdisho ayaa looga hadlay horumarinta xariirka iyo wadashaqeynta, fulinta mashaariicda ay ka wada-shaqeeyaan labada dhinac, dhaameystirka Dastuurka iyo baahinta adeegyada cadaaladda.

HORSEED MEDIA