Agaasimihii guud ee wasaaradda caafimaadka DFS oo xabsi dheer lagu xukumey

Published: August 24, 2020

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u fariisatey kiiska 9 qof oo ka mid ahaa shaqaalaha wasaaradda caafimaadka Dowaldda Federaalka kuwaas oo ku eedeysnaa xatooyo xoolaha umadda.

Sagaalka qof oo dacwadooda ay maxkamaddu qaadey waxaa ugu darajo sareeyey Agaasimihii guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Cabdullaahi Xaashi Cali, waxaana lagu heley denbiga ah in uu ku kacay musuq-maasuq isaga oo dhacay xoolaha dadweynaha.

agaasimaha Guud

Maxkamadda ayaa ku xukuntey Agaasimaha 9 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 57 milyan oo shiling.

  1. Agaasime waaxeedkii maamulka iyo lacagta ee Wasaaradda Caaimaadka Maxamuud Buulle ayaa isagana lagu heley denbiga lagu soo oogay sida qaadiga Maxkmaddu ku dhawaaqey waxaana lagu xukumey 18 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 59 milyan oo shiling.
  2. Eedaysanayaasha kale ayaa kala ahaa:
  3. Mahdi Abshir Maxamed, madaxa xisaabaadka iyo wacyogelinta mashaariicda 12 oo xabsi ah.
  4. Bashiir Cabdi Nuur Xisaabiyaha Mashruuca Malaariyada iyo HIV7Aydhis ee Wasaaradda Caafimaadka waxaa lagu xukumey saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed.

Maxkmadda ayaa sii deysey shan eedeysane oo kale oo denbiga lagu eedeeyey lagu waayey.

Kiiska Musuq-maasqua ayaa soo baxay bishii Abril 2020, kadib markii isla wasaaradda dhexdeeda uu ka dhacay isqabqabsi banaankana ay u baxdey musuq-maasuqu, lagu sameeyey gargaarka COVID-19.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *