28 October, 2019
Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa maanta ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamanka oo ka kooban 15…
Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa maanta ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamanka oo ka kooban 15 qodob.
Qodobada AJandah, waxaa kamid ah daba-galka heshiisyadii xukuumadda haatah jirta iyo kuwii ka horreeyay ay galeen iyo dib u-habaynta xeerarka u baahan in dib u-eegis lagu sameeyo.
Waxaa ku jira ka doodista xaaladda Amniga, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha Puntland iyo u yeeridda madaxweynaha & madaxweyne ku xigeenka, si wax looga weydiiyo arrimahaasi.