Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey liiska xukuumadiisa. Golaha wasiirada…
Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey liiska xukuumadiisa. Golaha wasiirada ayaa u badan wejiyo cusub, waxaana kamid ah qaar horey u soo noqdey Wasiiro iyo kuwo kale oo ku magacaabnaa denjirayaal.
Golaha wasiirada ayaa ka kooban 26 Wasiir, 14 Wasiiru dowle iyo 26 wasiir ku xigeen tan oo tirada guud ka dhigeysa 66 Wasiir, waxaana kamid ah 6haween ah. Wasiirada cusub ee ka kooban 26 waxaa Xildhibaano ka ah 10 Wasiir.
Golaha Wasiiro ku-xigeenada waxaa u badan Xildhibaanada Federaalka.
Wasaaradaha ayaa loo kala beddalay shakhsiyaadka Wasiirada ka noqon jirey beelaha ay ka soo jeedaan, marka loo eego Golaha xukuumadda iyo barnaamijka Raysalwasaaraha ayaa la horgeynayaa baarlamaanka si loo ansixiyo.
Hoos ka akhri liiska Wasiirada iyo Wasiiru dowlayaasha:
- Raysalwasaare ku xigeen: Mahdi Axmed Guuleed (Khadar)
- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Amb: Yusuf Garaad Cumar Maxamed
- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Cabdi Faarax Siciid (Juxaa)
- WasiirkaWasaaradda Maaliyadda: Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle Ducaale
- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga: Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi
- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaan
- WasiirkaWasaaradda arrimaha dastuurka: Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil
- Wasiirka Wasaaradda Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo hormarinta dhaqaalaha: Jamaaal Maxamed Xasan
- Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo gadiidka cirka iyo dhulka Maryan Aweys Jaamac
- Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Inj. Cabdi Canshuur Xasan
- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xil. Sheekhnuur Maxamed Xassan
- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Khadro Axmed Ducaale
- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Xil. Cabbaas Sheekh Cabdullaahi Siraaji
- Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka. Deeqa Yaasiin Xaaji Yusuf
- Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xil. Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed
- Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Islow Abuukar Ducaale
- Wasiirka Wasaaradda Beeraha Xil. Siciid Xuseen Ciid
- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada: Drs. Fawsiya Abiikar Nuur
- Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga: Xil. Khadiijo Maxamed Diiriye
- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo hanuuninta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)
- Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda: Avv Xasan Xuseen Xaaji
- Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Saalax Axmed Jaamac
- Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha: Saalim Caliyow Ibrow
- Wasiirka Gargaarka iyo maareeynta musiibooyinka Dr. Maryan Qaasim
- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Dr. Iimaan Cabdullaahi Cali
Wasiiru Dowlayaal
- Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada: Cabdulqaadir Macalin Nuur
- Wasiiru Dowlha Xafiiska raysalwasaaraha: Cabdulaahi Caamud
- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha: Cabdicasiis Laftagreen
- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Cabdulqaadir Baqdaadi
- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim
- Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah: Cabdulqaadir Axmed Kheyre
- Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Xasan Macalin Xuseen
- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Faarax Weheliye
- Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa
- Wasiiru Dowlaha Qorsheynta, Maalgashiga iyo hormarinta Dhaqaalaha Cabdalla Xaaji Cali
- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka cirka iyo Dhulka Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi
- Wasiiru Dowlaha Waxbarashada iyo tacliinta sare: Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri
- Wasiiru Dowlaha Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Axmed Cabdi Kaariye
- Wasiiru Dowlaha Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Cabdullaahi Bile Nuur