July 12, 2023 Talo soo jeedin Waxaan idnku salaamayaa salaanta islaamka – As Salaamu Caleykum Waraxmatullahi…
July 12, 2023
Talo soo jeedin
Waxaan idnku salaamayaa salaanta islaamka – As Salaamu Caleykum Waraxmatullahi Wa barakaatuhu.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii hore ee qaranka iyo siyaanyiinta kale ee madashaan ku sugan.
Ujeeddo: Talo soo jeedin ku aaddan go’aannada Golaha Wadatahsiga Qaran (Golaha Wadatashiga Qaranka) ay soo jeediyeen in wax laga beddelo hannaanka siyaaasadda dalka.
Mudane Madaxweyne, waxaan kaaga mahad-celinaynaa soo dhowaynta iyo fursadda aad inoo siisay in aan talo ku biirinno go’aandii ka soo baxay.
Golaha Wadatashiga Qaran (Golaha Wadatashiga Qaranka) ee lagu qabtay magaalada Muqdisho bisha May 27keeda, sannadka 2023.
Waxaa ka muuqday go’aanada in aan la tixgelin muhiimadda dastuurku leeyahay iyo qaab sharciyeedka wax looga beddeli karo qodobada dastuurka oo ah in guddi heer qaran ah soo dhammays-tiro dastuurka qabyo-qoraalka ah lagana dodo wax ka beddelkiisa si looga heshiiyo.
Waxaan aaminsannahay in Golaha Wadatashiga Qaranka uusan sharci u haysan wax ka bedelidda dastuurka. Waxaanna welwel ka qabnaa in qaab aan dastuuri ahayn` arrimahaas lagu furdaamiyo ayna dib u dhac u keento geeddisocodka dowladnimada Soomaaliyeed.
Waxaa is xasuusin mudan in dowlad-goboleedka Puntland oo muhiim ka ah geedisocodka dib-u-dhiska dalka aan laga tixgelin arrimahaan masiiriga ah si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka.
Marka waxaan hadda mid mid u dul istaagayaa qodobada dastuuriga ah ee la soo jeediyey in isbeddel lagu sameeyo:
Qodobka 1aad:
Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu soo jeediyay in dalku aado dooorasho qof iyo cod ah. Qodobkani waa mid Soomaali oo dhan ay wada sugaysay oo dalka u horseedaya in bulshada Soomaaliyeed ay dib u soo ceshato awooddeeda dastuuriga ah oo ay si xornimo leh ku soo doortaan madaxdooda heer qaran, hoggaankooda heer dowlad-goboleed iyo heer goleyaal deegaanba.
Talo #1. Qodobkaan waa soo dhowaynaynaa mabda’iyan maxaa yeelay qodobkani wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ay hiigsadaan ummadda Soomaaliyeed in muddo ahna ku taamayeen. Hase ahaatee waxaa muhiim ah in laga heshiiyo arrimaha hoos ku xusan oo gogol-xaarka u noqon kara in dalka doorasho qof iyo cod ah si xasilooni ahna ku dhacda, dadkuna ay raalli ka yihiin laga hirgeliyo.
- Sugidda amniga dalka oo dhan iyo goobaha ay doorashadu ka dhacayso si aan cadwga uga faa’ideeysan.
- Sharciga doorashooyinka oo u baahan in la diyaariyo ka hor inta aan doorashada dhicin si looga baaraan-dego khilaafaadka imaan kara xilliga doorashada iyo xallintooda
- In la dhameeystiro sharciga qofka muwaadinka (citizentship law) lagana heshiiyo qabyotirkiisa.
- In la dhammaystiro sharciga axsaabta (xisbiyada badan) si waafaqsan dastuurka dalka.
- In laga heshiiyo cidda wax dooran karta oo xaq u leh in ay soo xaadirto maalinta iyo goobta doorashada sida:
- Shacabka Soomaliyeed ee gobollada waqooyi.
- Dadka barakacayaasha ku ah dalka gudahiisa iyo \ kuwa qaxootiga ku ah dalka dibaddiisa.
- Soomaalida dalka dibaddiisa ku nool.
- Soomaalida deggan xuduudaha dalka oo laba dal ka wada tirsan, iwm.
Nidaamka Doorashada
Barnaamijka doorashada laba qodob oo muhiim ah ayaan talo ka soo jeedineenaa:
Guddiga doorashada heer qaran iskuma meteli karo doorashada heer qaran iyo midda dowlad-goboleedyada. Marka waa in dowlad- goboleed walba yeelataa guddi doorasho oo u gaar ah si loo adkeeyo doorashada Dowlad-goboleedyada.
- Siyaadda dalka waxay ku dhisan tahay dheelitir beeleed oo ah 4.5, loomana boodi karo durba nidaam kale oo bulshadu aysan raali ka noqoneyn
- Doorashada meteladda isu-dheelitan (Proportianal representation) ee liiska xiran (closed list) iyo hal deeegaan doorasho waa in la waafajiyaa qaabka kuraasta beelaha ay maanta u qeybsadaan oo aan laga gudbin qeybhaas iyadoo aan shacabku ku heshiin ama aan la qaadin tirokoob dadweyne. Waxaan ogsoon nahay in jufooyinka beelaha Soomaaliyeed aysan maanta diyaar u ahayn in ay waayaan xubnaha oo ay hadda ay ku leeyihiin labada aqal ee barlamanka.
- Walow in laga gudbo 4.5 ay muhiim tahay, haddana waa in shacabka iyo oday dhaqameedyada Soomaaliyeed laga dhaadhiciyaa meesha loo socdo oo ay iyagoo raali ah la aado. Dhismaha dowladnimo waqti dheer buu qaataa, oo lama dedejin karo iyadoo aan ahayn wadar oggol.
- Doorashada liistada xiran ma xaqiijin karto metelaad beeleed ama mid deegaan.
- Metelaadda murashaxiinta golaha shacabka waa in ay ku saleeysan yihiin dad iyo deegaan.
Qodobka 2aad:
Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu soo jeediyey in dalka ka guuro nidaamka Baarlamaaniga ah oo uu aado nidaam madaxweyne (Presidential System).
Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay ka soo kabaneeyso dagaalo sokeeye iyo dowlad-xumo baahsan oo laga dhaxlay 30kii sano ee la soo dhaafay.
Dowladnimada maanta aan haysanno waxay ku timid dadaal dheeri ah iyo kulamo siyaasadeed oo dalka dibaddiisa lagu qabtay oo keenay in la galo heshiis bulsho maadaama bulshadu kala irdhowday muddadii dagaalada sokeeye iyo in ay dadku dib isugu soo laabtaan oo dowlad wada sameeystaan iyagoo aan weli kala shaki bixin. Waxay isla garteen in dowlad federaali ah la dhiso oo ku salaysan nidaamka Barlamaaniga ah iyagoo ka fogaanaya in nidaamkii madaxweynenimo ee dalka burburka u horseeday uusan dib u soo laaban. Waxay isla garteen annagana nala quman in nidaamka Baarlamaaniga uu yahay:
- Nidaam dowladeed oo dheellitiran oo leh hay’ado is kabaya.
- Wuxuu leeyahay awood qaybsi Soomaalidu heshiis ku tahay.
- Wuxuu fudueeyaa isla-xisaabtan xukuumadda iyo Baarlamaanka.
- Wuxuu leeyahay waajibaadyo iyo masuuliyado qeexan oo kala baxsan haddii si dhab ah loo raaco dastuurka.
Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu soo jeediyay in dalku qaato nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-Xigeen. Sharciyan qodobkaaas wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa Dastuurka dalka ee ku meel gaarka ah la ansixiyay bisha August 1deeda, 2012. Gaar ahaan:
- Qodobada: 58, 59, 60, 69, 71, 74 & 77 ee Cutubka 6aad: Barlamaanka Federaalka JS.
- Qodobada; 89, 90, 91, 92, 93, 94, 95 & 96. ee Cutubka 7aad: Madaxweeynaha JFS,
- Qodobada; 97, 98, 99, 100, 101, 102, 103 & 104. ee Cutubka 8aad: laanta Fulinta.
Talo #2: Ma qabno xaaladda uu dalku maanta ku jiro in nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda noo shaqeeya la beddelo laguna beddelo nidaam madaxweyne qodobada hoos ku qoran awgood:
- In nidaamka baarlamaaniga ah la bedelo wuxuu u baahan yahay in dib loogu laabto heshiiska beelaha Soomaaliyeed oo ay dowladnimada dalku ku salaysan tahay.
- Isbeddel hadda la sameeyo wuxuu horseedayaa hoos u dhac ku yimaada awoodaha kala duwan ee hay’adaha dowliga iyo wada shaqeyntooda, awooduhuna isugu tagaan hal qof.
- Khilaafaadka Soomaalida dhexdeeda ka jira oo sii bata iyo in xasilooni darro ka dhalato meelo badan oo dalka ka mid ah.
Waxaan soo jeedinaynaa in aan nidaamka Baarlamaaniga ah ee aan haysano aan si dhab ah oo sharciga waafaqsan ugu dhaqanno oo aan helnaa Madxweyne iyo Ra’iisulwasaare tayo leh oo awoodahooda kala qeybsan yihiin, mid walbana loo daayo mas’uuliyadda dastuuriga ah ee loo igmaday.
Qodobka 3aad
Wax kabeddelka Nidaamka Xisbiyada
Dastuurku wuxuu qorayaa in dalku yeesho axsaab badan oo ay ka soo dhex baxaan axsaab kooban marka dalku doorashada galo kadib, axsaabtaas oo leh taageero baahsan oo dalka oo dhan ah oo ay markaa u tartamaan hoggaanka hay’adaha sare ee dalka.
Talo #3: Ma qabno soo jeedintii Golaha Wadatashiga Qaranka ee ahayd in xisbiyada dalka lagu soo koobo laba xisbi oo keli ah oo aan la garanayn qaabka iyaga laftooda lagu soo xulayo iyo in ay yeelan karaan metelaad dhab ah oo shacabka Soomaaliyeed ay raali ka noqon karaan. Labada xisbi ee Golaha Wadatashiga Qaranka ku baaqeen wuxuu ka hor imaanayaa:
- Qaab dhismeedka siyaasadeed ee Soomaalidu heshiiska ku tahay.
- Labada xisbi waxay u muuqan karaan kuwa dhan u janjeera oo shacabku u arkaan in aan labada xisbi Soomaali u dhamayn.
- Waxaa hadda ka diiwaan gashan dalka tiro ka badan 100 xisbi oo abaabulan. Waxaa kale oo jira deegaano badan oo dhistay axsaab siyaasadeed oo hadda ka badan 2 oo shacabkuna soo doorteen.
Waxaan ku talinaynaa in loo daayo sida dastuurka qabo nidaamka axsaabta badan laguna asteeyo sharciga doorashooyinka shuruudaha lagu noqon karo xisbi rasmi ah oo doorashada dalka ka qeybgeli kara.
Qodobka 4aad
Doorashooyinka iyo Muddada Xil-haynta Hay’adaha Qaranka
Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ku baaqay qodobka 8aad, Faqradiisa (a) in doorashada dalka ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ay noqoto doorasho qof iyo cod ah oo shantii sanaba hal mar ah.
Muddadan waxay kasoo horjeedaa qodobada 60aad & 91aad ee Dastuurka dalka oo muddada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ka dhigaya afar sano, sidoo kale qodobkaas muddo kordhinta wuxuu kasoo horjeedaa Qodobka 52/1 & 72/1 ee Dastuurka 1960kii, oo si cad u qeexaya in wax ka beddel muddo xileedka haddii la sameeyo aysan khuseeyn cidda xilka haysa markaas oo uu isbedelkaas bilaabanaayo mudda xileedka xiga.
Golaha Wadatashiga Qaran waxay ku doodayaan in la is waafajiyo mudada xilhaynta hay’adaha qaranka oo ay isla garteen in muddo sanad ah loo wada kordhiyo hay’adaha qaranka iyo dowlad-goboleedyada taasoo baal-marsan dastuurka dalka. Waxaa muhiim ah in dib loo fiiriyo qodobadaan:
- Dastuurka dalka wuxuu qeexayaa muddo xileedyo ay hay’aduhu ku shaqeeynayaan oo aan dacwad hore uga imaan, mana muuqato sabab loo bedelo.
- Haddii isbeddel lagu sameeynaayo muddo-xileedka hay’adaha dowladda waxaa muhiim noqon doonta in marka hore la dhameystiro dastuurka qabyada ah.
Talo #4. Ma qabno in muddo kordhin waqtigan lagu sameeyo hogaanka dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada. Hadii laga baaqsan waayo, waa in loo maraa dariiq dastuuri ah marka dastuurka lasoo dhameystiro, kordhin lagu sameeyo muddo xileedka hay’adaha dalka waxay noola muuqataa in ay hirgeli karto oo keliya marka muddo xileedka dowlada soo jeedisay laga gudbo oo dowlad cusub la doorto. Dowlad muddo xileedkeeda ku guda jirta ma sameyn karto muddo kordhin iyada khuseeysa.
Qodobka 5aad
Wax ka beddelka Dastuurka
Dastuurka ku meel gaarka ah wuxuu qeexayaa nidaam loo maro in isbeddel lagu sameeyo qodobada dastuurka ku qeexan oo dhan. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in hay’adaha dowladdu ay mar walba u hoggaansamaan dastuurka iyaga lagu soo doortay.
Gebo-gabo:
In kastoo golaha wadatahsiga qaran ay leeyihiin mudnaantooda, haddana waxaa nala quman in aan dastuurka la baalmarin oo loo daayo hay’adaha loo asteeyay si ay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan.
Mahadsaniddiin
Talosoojeedintan waxaa ku midaysan:
- Madaxweyne Shiikh Shariif Sh. Axmed
- Guddoomiye Shariif Xassan Shiikh Aaden
- R/W Cumar Cabdirashid Cali Sharmake
- R/W Cabdiweli Cali Gaas
- R/W Xassan Cali Khayre
- R/w xigeen Ridwan Hirsi
- Wasiir Dr Cabdinuur Shiikh Maxamed
- Xil Abdulqaadir Cosoble Cali
- Dr.Cabdinasir Maxamed Cabdulle