Akoonada dad caan ah ee Twitterka oo loo dhacay!

Published: July 16, 2020
A Twitter logo is seen on a computer screen in this photo illustration on October 31, 2017. Material posted on Facebok and other social media directly and indirectly reached over 126 million Americans between 2015 and 2017 according to a company testimony that will be presented to the US Senate judiciary committe on Tuesday. (Photo by Jaap Arriens/NurPhoto via Getty Images)

Waxaa maalintii shalay la jabsadey qaar kamid ah akoonada Twitter-ka ay ku lee yihiin dad caan ah kuwaas oo isugu jira maalqabeeno iyo siyaasiyiin. Kooxda weerarkan ka danbeeya ayaa kamid ah kuwa isticmaala oo taageera lacagta Bitcoin, taas oo ay adag tahay in si fudud lagu ogaado cidda ka danbeysa.

Dadka caanka ah ee loo dhacay akoonada ay ku leeyihiin Twitterka waxaa kamid ah musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Dimoqraadiga horeyna u ahaan jirey Madaxweyne ku xigeen Joe Biden iyo Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama.

Tiwtterada la jabsadey qaarkood ayaa lagu soo qorey fariin isku mid ah, oo ay ku qoran tahay, “haddii aad 1000 Dollar ii soo dirto waxaan dib kuugu soo celinayaa iyada oo laba jibbaaran, waxaadna haysataa fursad 30 daqiiqo ah, waxa fariintua qoraalka ah hoos kaga lifaaqan LINK kaas oo ah halka lacagta lagu diraayo iyada oo la deegsanayo cryptocurrency bitcoin.

Qaar kale sida Apple waxaa lagu qorey fariin taas ka duwan oo lagu taageerayo lacagna logu ururinaayo Bittcoin

Marka laga soo tago Joe Biden iyo Barack Obama, waxaa kale oo fariintan lagu qorey Shirkadda Apple bogeeda, heesaaga Kanye West, maalqabeenka Bill Gates iyo kuwa kale.

Bogaggaas si dhakhso leh ayaa looga tirtiray fariintaas, Twitter-ka ayaa hubiyay in qoraallo cusub aan lagu dhejin karin bogaga la jabsadey.

Dimitri Alperovitch, oo ah aasaasaha shirkadda internet-ka ee Crowdstrike ayaa yiri “Tani waxay umuuqataa inay tahay jabkii ugu xumaa ee aaladaha warbaahinta bulshada waayadan ku dhacda.”

Ilaa hadda lama yaqaano cidda sida rasmiga ah uga danbeysey weerarka lagu qaadey twitterka, waxaana shabakadda techcrunch ay qortey in Hacker-ku awood u yeeshey in uu isticmaalo isla qaybta laga maamulo akoonada Twitterka Admin Tool si uu wax ugu qori karo dadka caanka ah barahooda Twitterka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *