Al-shabaab: ” Barakacayaasha Muqdisho ku laabtay waa (Gaalo-raac)”

Published: February 20, 2012

Hogaanka sare ee xarakada Al-shabaab ayaa (Gaalo-raacyo) ku tilmaamay qoysaskii dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib markii ay ka carareen deegaanada ay Shabaabku ka arimiyaan ee duleedka Muqdisho.

Sh.Fu`aad Maxamed (Shangoole) oo kamid ah saraakiisha dhinaca dacwada u qaabilsan Al-shabaab ayaa sheegay in qofkii dhulka gaalada tagaa uu yahay (Gaalo-raac) mar uu ka hadlayey boqolaal qoys oo dib duleedka Muqdisho oo markii horay ay u qexeen uga soo barakacay.

Shangoole ayaa sidoo kale shayaadiin ku sifeeyey haweenka caruurtooda Muqdisho ula soo cararay iyaga oo ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo maadaama ay maalmihii u danbeeyey saan saan colaadeed oo xoogani deegaanadaas ka taagneyd.

Dhinaca kale Sh.Fu`aad oo ka tirsan saraakiisha dacwada u qaabilsan xarakada Al-shabaab ayaa ugu baaqay qoysaska degen deegaanada ay ka arimiyaan in ay gabdhahooda aan la qabin u guuriyaan dagaalyahanada Al-shabaab.

Eedeynta Shabaabku usoo jeediyeen barakacayaasha dib Muqdisho ugu soo laabtay ayaa imaanaysa xilli beryihii u danbeeyey ay kumanaan qoys oo duleedka Muqdisho horay ugu qaxay ay halkaas dib mar kale uga soo carareen.

Waxayna sababta barakacaas dhaliysay ay tahay kadib markii ay ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM isku balaariyeen deegaano ku yaal duleedka Muqdisho arintaas oo abuurtay cabsi laga qabo in halkaas uu dagaal xoogani Shabaabka iyo ciidamada huwanta ee AMISOM iyo kuwa DKG ah ku dhex maro.

 

Horseed Media