Al Shabaab " Maraykanku waxay dileen ganacsade iyo tiro geel ah"

Published: December 30, 2019

War qoraal ah oo baahisay waxbaahinada taageera ururka Al Shabaab ayaa sheegay in Taliska Ciidamada Maraykan ee Africa, duqayn ay ka gaysteen degaanka Kuuya-barroow ay ku dileen ganacsade caan ah iyo tiro geel ah.

Gacansadahan oo lagu magacaabi jiray Kuusow Xaaji Maxamed Yusuf ayay Shabaab sheegtay in xilliga ay ku dhacday gantaal ay soo tuurtay diyaaraha dagaal ee Maraykan-ka uu saarna gaari u watay.

” Sidoo kale diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeyn u geystay xoolo badan oo daaqayay duleedka degaanka Kuunyo-barrow. Inta la xaqiijiyay waxay ku dileen 12 neef oo geel ah walow ay suura-gal tahay in khasaaruhu intaasi ka badan yahay”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *