Al-Shabaab oo dib ula wareegay Ceelbuur

Published: August 29, 2023

Ciidamada Dowaldda federaalka ayaa gebi ahaanba isaga baxay degmooyinkii ay dhawaan kala wareegeen al-Shabaab ee gobolka Galguduud, maanta oo u danbeysey waxay isaga baxeen Ceelbuur.

buula fulaay

Malayshiyada al-Shabaab ayaa dib u qabsadey oo galey gudaha Ceelbuur, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanku, waxaana ay ka taageen calankoodi madoobaa.

Horey waxaa ciidanka Dowladdu uga baxay Wabxo, Galcad, Ceeldheer, Masagaway iyo kuwo kale. Arrintan ayaa dib u dhac weyn ku ah wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Jaahwareerka ku dhacay ciidanka dowladda ayaa sababey kadib dagaalkii Caws-weyn ee gobolka Galguduud, taas oo waxyeelo xooggan loogu geystey ciidanka.

Horseed Media