Al-shabaab oo digniin culus u jeediyey dadka Jowhar

Published: February 25, 2012

Maamulka Al-shabaab ee Jowhar ayaa digniin culus u jeediyey dadka rayidka ah ee magaaladaas ku nool.

Yuusuf Ciise (Kabo ku tukade) oo ah gudoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa uga digey dadka Jowhar inay la shaqeeyaan ciidamada DKG ah iyo kuwa Itoobiya hadii ay magaalada Jowhar qabsadaan.

Wuxuuna si cad u sheegay mar uu masjid Jowhar ku yaalla ka khudbadeynayey in ay dili doonaan qof walba oo ay ku cadaato inuu garab siiyey ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Gudoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa sidoo kale sheegay in hadii ay magaalada ka baxaan aysan meel fog aadi doonin sidaas darteedna ay ka warqabi doonaan cid walba oo ciidamadaas xiriir la samaysa.

Kabo kutukade ayaa dhinaca kale sheegay in hadiiba ay Jowhar ka baxaan aysan cabsi ay Itoobiyaanka ka qabaan uga bixi doonin balse ay ka cararayaan waxyeelo kasoo gaarta dabaabadaha ay wataan.

Hanjabaadda aadka u kulul ee ay maamulka Al-shabaab ee gobolka Shabeelada dhexe u jeediyeen dadka magaalada Jowhar ayaa kusoo beegmeysa xilli ay Shabaabku ka cabsi qabaan in Jowhar laga qabsado.

Mana ahan markii ugu horeysey oo ay sidan oo kale Shabaabku ugu goodiyaan dadka rayidka ah ee Jowhar haseyeeshee waxaa jirey marar badan oo hore kuwaasoo ay hanjabaado tira badan ugu jeediyeen.

 

Horseed Media