Al-Shabaab oo Jubbooyinka kula dagaalamaya Horjooge ka hor yimid fikirkooda

Published: April 15, 2023
Shares2

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaal xooggan oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay xubno ka wada tirsan Al-Shabaab ku dhex-maray dhulka hoodka ah ee gobollada Jubbooyinka.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen horhooge lagu magacaabo Ismaaciil Baarow oo ka gadooday kooxda iyo xubno kale oo wadada u galay.

Warbaahinta qaranka ayaa ku warrantay in xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay dilaan sarkaalka baxsadka ah, balse uu iska difaacay.

Wararka ayaa intaasi ku daray in dagaalkan ay ku dhinteen illaa 10 ka tirsanaa kooxda dhexdeeda, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 20 kale, sida warisay warbaahinta dowladda.

Xaalada ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in xubno kale oo gurmad ah ay ka baxeen dhanka degmada Jilib, kuna sii jeedaan aagga lagu dagaalamayo.

Horseed Media