Al-Shabaab Oo Weerar Khasaaro Dhimasho Leh Ka Geystay Magaalada Muqdisho

Published: July 15, 2023
Dayniile

Kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab ayaa xalay weerar ka geystey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Weerarka ayaa lala beegsaday goob laga baaro gaadiidka oo ku dhow xarunta degmada Deyniile, waxaana ka dhashay khasaare lixaad leh.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Barwaaqo ee degmada Dayniile. Maleeshiyada ayaa dagaal fool ka fool ah ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa barta koontaroolka fadhiya oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ugu yaraan shan qof oo isugu jira askar iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay iska horimaadkaasi, iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Goob joogayaal ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan hubkii ay wateen ciidamada, islamarkaana ay la wareegeen gacan ku haynta barta koontaroolka ahayd.

Dhacdadan ayaa timid saacado un kadib markii Al-Shabaab ay Maqaayad ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku dileen Guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda ee degmada Marka.

Ammaanka caasimadda ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid faraha ka sii xumaanaya, iyadoo kooxda al-Shabaab ay marar badan weeraro toos ah iyo qaraxyo ka geysatay magaalada Muqdisho.

Maamulka deegaanka ayaa cambaareeyay falkii ugu dambeeyay ee rabshadaha, waxayna wacad ku mareen inay wax ka bedeli doonaan ammaanka, gacantana lagu soo dhigi doono kuwii ka dambeeyay.

Horseed Media