Published: July 15, 2020
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/07/shabaab-1024x576.jpg)
Kooxda Alshabaab ayaa xalay weeraray deegaanka Halgan oo hoos yimaada degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha deegaanka Halgan oo u warramay Laanta Af-ka Soomaaliga ee VOA-da ayaa xaqiijiyay weerarkaasi, waxa uuna sheegay inuu jirin wax dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay duqeybta Al-shabaab ay u adeegsadeen hoobiyayaasha.
Waa markii labaad oo ay Alshabaab weerar noocaan ah ku qaado deegaanka halgan bishan gudaheed.
Horseed Media