
Weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ayaa saaka lagu qaaday Deegaanka Janaay Cabdalle, ee duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.
Jugta qaraxyada kadib waxaa xigtay rasaas culus oo u dhaxeysa Ciidamada Dowladda iyo Xubno katirsan ee wwerarka soo qaaday sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in haatan ay wadaan howlgallo xoogan oo lagu baadi goobayo raggii katirsanaa Al-Shabaab ee soo weeraray.
Horseed Media