Al Shabaab oo weerartay Hotel SYL, Muqdisho

Published: March 15, 2024

Weerar ku bilowday qarax ayaa caawa oo uu Jimco soo galeyo lala beegsaday Hotel SYL oo ku yaal meel aan ka fogeyn Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Koox hubeysan oo aan weli tiradooda la xaqiijin ayaa gudaha u galay Hotelka sida ay sheegeen saraakiisha amaanka.

Illaa iyo hada macada khasaaraha ka dhashay weerarkan oo weli hawlgalkiisa socdo.

Hotelka ayey degen yihiin qaar kamid ah madaxda kala gedisan ee dowlada oo ay ku jiraan Xildhibaano.

Kooxda Al Shabaab ayaa durbaba sheegatay weerarkan caawa ka dhacay caasimada Soomaaliya.

Dhamaan wadooyinka taga nawaaxiga Hotelka iyo Madaxtooyada ayey xireen ciidamada amaanka.

Horseed Media