Al-shabaab oo xubin buuxda ka noqday Al-qaacida

Published: February 10, 2012

Hogaamiyaha Shabakadda Al-qaacida Ayman Al-Tawahiri ayaa sheegay in xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalantaa ay ku biirtay urur weynaha Al-qaacida.

Ayman Al-Tawahiri ayaa warkan ku sheegay fariin muuqaal ah oo uu soo diray taasoo Internet-ka lagu baahiyey shalay oo khamiis ahayd.

Hogaamiyaha Al-qaacida ayaa fariinta muuqaalka ah ee uu soo diray wuxuu kaga hadlay arimo badan, mar uu ku biiritaanka Al-shabaab ee ururka Al-qaacida ka hadlayeyna wuxuu yiri:

“..Bishaareyso ummadeenaay bihshaaro farxad leh, bishaaradaas oo farxad gelineysa dadka eebe rumeeyey kana caraysiineysa gaalada, oo ah in xarakada Shabaab Al-Mujaahidiin ee Soomaaliya ay Al-qaacida kusoo biirtay..”

Al-shabaab oo horay Al-qaacida loola xiriirin jirey ayaa sanadkii 2009 baahiyey fariin Video ah oo ay cinwaan uga dhigeen ” Waanu kuu adeegeynaa Usaamow” taas oo ahayd mid ka turjumeysa sida ay u taageersan yihiin Al-qaacida oo xiligaas uu Sheekhi la diley ee Usama Bin Laden hogaaminayey.

Waana markii ugu horeysey ee hogaanka sare ee Al-qaacida ay si cad u sheegaan in ururka Al-shabaab uu iyaga hoos tago, waxayna arintani u muuqataa mid laga dheehan karo xagjirnimada Al-shabaab oo horay Maraykanka iyo wadamo kale oo caalamka ahi ay liisaska argagixisada ugu dareen.

 

Horseed Media