Al-shabaab: “Shidaalka Soomaaliya laga qodayo geeri baa ka dhalan doonta”

Published: February 29, 2012

Waxaa meel fiican maraya hawlihii shidaal baarista ee mudada bil iyo barka ku dhow laga wadey dooxada Dharoor ee gobolka Bari.

Wararka laga helayo goobta howshu ka socoto ayaa sheegaya in qodaalka ceelka Shabeel-1 uu meel fiican marayo laguna rajo weyn yahay in uu guul kusoo gaba gaboobo.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa ku shaacisay Page-ka ay ku leedahay shabakadda xiriirka bulshada ee Twitter in shidaalka laga qodayo Puntland uu yahay mid baadil ah.

Waxaana kamid ahaa fariimihii ay bogga Twitter-ka ku faafiyeen in “qodaalka Shidaalka eeSoomaaliya uu yahay mid geeri horseedi doona”waa sida ay hadalka u dhigeene.

Heshiisyadii ay kala saxiixdeen Puntland iyo shirkadaha shidaalka ayey iyagana ku tilmaameen kuwo aysan habayaraatee waxba ka jirin .

Waa markii ugu horeysey ee ay Al-shabaab oo xiligan awoodoodu sii wiiqmayso ay arintan ka hadlaan tan iyo intii 16/Jen ee sanadka 2012 laga bilaabay dooxada Dharoor ee gobolka Bari qodaalka ceelkii shidaal ee ugu horeeyey ee mudo 20-sano ka badan laga qodo Soomaaliya.

Sahamo hordhac ah oo ay shirkadaha shidaal baarista wadaa sameeyeen ayaa lagu ogaaday in dooxada Dharoor uu dhex ceegaago shidaal lagu qiyaasay ku dhowaad 2-bilyan oo Fuusto kaas oo u dhigma dhaqaale aad u culus.

Si kastaba ha ahaatee ma jiro wax war ah oo ku aadan eedeynta Al-shabaab oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhinaca dowladda Puntland.

 

Horseed Media

Xigasho: AP