Al-shabaab: Weerarada Muqdisho ka dhacayaa ma joogsan doonaan

Published: February 9, 2012

Saraakiisha ugu sareysa xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabey inay sii wadayaan qaraxyada ay la beegsanayaan mas’uuliyiinta DKG ah ee Soomaaliya.

Afhayeenka xoogaga Al-shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaysan hakin doonin weerarada ismiidaaminta ah ee lala bartilmaameedsanayo mudanayaasha Baarlamaanka iyo madaxda kale ee FKGM.

Abuu Muscab wuxuu intaas ku daray in aysan ka daali doonin fulinta weerarada noocan oo kale ah isagoo intaas raaciyey in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ay ku dileen in badan oo kamid ah sirdoonka DKG ah.

Qaraxii shalay galab ka dhacay Baar Fatxi oo kaabiga ku haya Hotel Muna ee magaalada Muqdisho islamarkaana ay degen yihiin in badan oo kamid ah xildhibaanada DKG ah ee Soomaaliya ayaa ahaa mid aad u xoogan.

Waxaana weerarkaas sida la xaqiijiyey ku geeriyoodey in ka badan 14-qof oo dad rayid ah oo goobtaas ka shaaheynayey u badnaa, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad intaas ka badan iyadoo qaar kamid ah dadkii qaraxaas ku dhaawacmayna ay saaka geeriyoodeen.

Gaari walxaha qarxa laga so buuxiyey ayey dowladu sheegtay in weerarkaas lagu fuliyey haseyeeshee Al-shabaab ayaa iyaguna sheegay in waxa qarxay uu ahaa mid mar hore goobta la sii dhigey.

Ma ahan markii ugu horeysey oo Shabaabku ay qarax noocan oo kale ah magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ka geystaan, haseyeeshee waxaa jirey dhowr weerar oo noocan ah oo ay horay u geysteen kuwaasoo ay dad badan oo rayid ahi ku baa ba’een.

 

Horseed Media