19 October, 2019
Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgal ay ciidanka dowlada Federaalka ay ka…
Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgal ay ciidanka dowlada Federaalka ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ay ku dileen ugu yaraan 20 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Md.Maxamed Nuur Cagajoof ayaa sheegay in wadadda loo galay kooxdan ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo saarnaa gaari bas ah.
Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Maleeshiyaadkaasi ay ka soo furteen 18 qori iyo rasaas, waxaana uu intaa ku daray inay warbaahinta u soo bandhigi doonaan dhawaan.