Aljeeriya oo doorashada ka hor xirtay Laba ra’iisul wasaare oo hore

11 December, 2019

Maxkamad ku taal waddanka Aljeeriya ayaa waxa ay xabsi muddo dheer ah ku ridday laba ra’iisul…

Maxkamad ku taal waddanka Aljeeriya ayaa waxa ay xabsi muddo dheer ah ku ridday laba ra’iisul wasaare oo hore xilli uu soconayo baaritaan ballaaban oo dhinaca musuq maasuqa.

Ahmed Ouyahia ayaa waxaa lagu xukumay 15 sanadood oo xarig ah halka Abdelmalek Sellal lagu xukumay 12 sanadood oo xarig ah.

Waxaa lagu eedeeyay inay ku takrifaleen awoodda, taas oo la xiriirta fadeexad lacago la lunsaday oo salka ku haysa sameynta gawaari.

Waxa ay aheyd markii ugu horraysay oo wasiirro hore la maxkamadeeyo tan iyo markii Aljeeriya ay xorriyadda ka qaadatay Faransiiska 1962.

Labada nin ayaa waxa ay xulafo la ahaayeen madaxweynihii mudada dheer dalkaasi maamulayay, Abdelaziz Bouteflika, kaas oo iscasilay bishii Abriil kaddib dibadbaxyo ballaaran oo maamulkiisa loogaga soo horjeestay.

Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay sii wadeen inay ku baaqaan in la sameeyo isbadello waa weyn, iyagoo ku eedeeyay hogaamiyayaasha xisbiga haya talada musuq maasuq baahsan iyo cadaadis ka hor doorashada madaxtinimada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *