Alshabaab iyo Macawislayda oo ku dagaalamay Gobolka Hiiraan.

Published: March 5, 2020

Kooxda Macawiisley iyo Ururka Alshabaab ayaa dagaal ku dhexmaray degaanka Ceel-cali ee gobolka Hiiraan halkaas oo ay ka soo baxayaan warar kala duwan, Ururka Alshabaab ayaa sheegay  in dagaalkaas uu yimid kadib markii Kooxda Macawiisley ay weerar ku qaadeen fariisin Alshabaab ay ku leeyihiin degaanka Ceel-Cali, Dagaalkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan inkastoo aan si faahfaahsan loo ogayn.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in ay maqlayeen Rasaas culus oo ay isku adeegsanayeen dhinacyada dagalamayay, Kooxda Macawislayda ayaa ah shacab si gaar ah isu abaabulay kuwaas oo dagaal ka dhan ah Alshabaab kula jiray 2sano ee lasoo dhaafay.

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa siisa taageero aan badnayn, dadka deegaanka ayaana sheegay in Alshabaab ay baad ka qaado sidoo kalena ay dhacday xoolo ay shacabka leeyihiin taasina ay keentay in ay is abaabulaan lana dagaalamaanka Alshabaab.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *