Published: January 4, 2020
Ururka Alshabaab ayaa deegaanka Buq-Aqable ee Gobolka Hiiraan waxay ku dileen 3 qof oo shacab ah kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay baasaas u ahaayeen Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Sadexda nin ayaa lagu toogtay goob fagaare ah iyadoo ay dadka deegaanku daawanayaal, Alshabaab ayaana amartay dilka 3daan qof oo ahaa dad xoolo dhaqato ah sida ay dadka deegaanku xaqiijiyeen.
Horseed Media, 2019