Alshabaab oo dil ka fulisay degmada Jamaame ee Gobolka Jubadda Hoose.

Published: April 16, 2020

Ururka Al-shabaab ayaa Dil-wadareed ku fulisay, lix nin oo ay ku eedaysay in ay basaasiin u ahaayeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulada  Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Al-shabaab ayaa raggaas ku toogtay goob fagaare ah oo ku taalla degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose, ka dib markii maxkamadda Al-shabaab ay amar ku bixisay in dil-wadareed lagu fuliyo, maadaaama ay ku eedaysay basaasiin.

Warbaahinta Al-shabaab, ayaa saddex kamid ah shakhsiyaadka dil-wadareedka lagu fuliyay, waxay magacyadooda ku sheegtay Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow, Maxamada Iidow Aadan iyo Cusmaan Cabdulle Afrax oo dhammaantood Al-shabaab ku eedaysay in ay la shaqeynayeen Sirdoonka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Maxamed Iidow Aadan iyo Hilowle Bashiir Aadan oo kamid ah ragga la toogtay, ayay Al-shabaab ku eedaysay in ay basaasiin u ahaayeen dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, halka Xassan Hafow Saney ay ku eedaysay in uu ka tirsana Sirdoonka Jubaland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *