Alshabaab oo markale weerar ku qaaday deegaanka Ceelsaliini.

Published: March 7, 2020

Ciidamo ka tirsan Ururka Alshabaab ayaa weeraray saldhig ay joogeen Ciidamada Kumaandoosta ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya taas oo ku taal deegaanka Ceelsaliini.

Faahfaahino kala duwan ayaa aksoo baxay khasaaraha ka dhashay dagaalka, Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan Ceel-saliini ayaa laga soo xigtay in ay iska caabiyeen weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab isla markaana xaalada degaanka ay degan tahay.

Dadka degaanka ayaa ku soo waramaya in xalay ay maqlayeen dhawaqa rasaas ay is-dhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab inkastoo aan xog sugan laga helin khasaaraha ka dhashay.

Al-shabaab ayaa todobaad ka hor isla saldhigaasi ku dilay in ka badan 40 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda islamarkaana hub fara badan ka furtay kadib weerar ay ku qaadeen Ceel Saliini.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *