Alshabaab Oo Sheegatay Masuuliyadda Hoobiyayaashii Ku Dhacay Xarunta Baarlamaanka

Published: April 18, 2022

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda hoobiyayaal maanta lagu garaacay xarunta golaha shacabka ee Villa Hargeysa, halkaas oo uu ka socday kulan xildhibaanadu ku go’aaminayeen doorashada gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Hoobiyayaasha oo ku dhacay agagaarka iyo afaafka hore ee xarunta baarlamaanka ayaa lagu soo waramayaa inuu khasaare kasoo gaaray dad isugu jira askar iyo shaqaale ka tirsan baarlamaanka.

Khamiistii hore (14/April) ayey ahayd markii Al-shabaab sidaan oo kale tiro madaafiic ah ay ku weerareen Teendhada Afisyooni oo ay ka socotay munaasabad lagu dhaarinayay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad ee Dowlada Federaalka Soomaaliya

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *