Amiirka Kuwait Shiikh Sabah oo geeriyooday

Published: September 29, 2020

AUN. Shiikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah ayaa maanta geeriyooday, wuxuuna jiray 91 sano, Amiirka Kuwait ayaa kamid ahaa hogaamiyayaasha sida weyn loo ixtiraamo oo muddo dheer maamulka kusoo jiray.

Shiikh Sabah oo 14kii sano ee lasoo dhaafay Amiir ka ahaa dalka Kuwait ayaa muddo 40 sano ah soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kuwait, 1963 – 2003 xiligaasi kadib ayuu noqday Raysalwasaare kahor intuusan noqon Amiirka sanadkii 2006.

Waxaa lagu xasuustaa Shiikh Sabah inuu ahaa nin si weyn u taageera dadka carabta iyo  muslimiinta ah ee dhibaateysan sida reer Siiriya iyo Falastiin, wuxuuna sidoo kale deeqo badan ku bixiyey dalka Soomaaliya.

Mashaariicda ugu waaweyn ee Kuwait ka fulisay Soomaaliya intuu xilka hayey Shiikh Sabah ayaa waxaa kamid ahaa Madaarka Caalamiga ah ee Garowe, waxaa sidoo kale Mashruucaasi qeyb ka ahaa dhismaha Jaamacada Badhan ee hada noqotay Jaamacada Ummada Qeybteeda Puntland.

Amiirka Kuwait ayaa sidoo kale dhex dhexaad ka ahaa siyaasada is-khilaafsan ee Carabta iyo Barriga Dhexe, wuxuuna sidoo kale xiriir fiican lalahaa Iran.

Wuxuuna dhex dhexaadin kawaday xalinta khilaafka u dhaxeeya Qatar iyo Xulafada Sacuudiga & Imaaraatiga, walow uusan ku guuleysan inuu heshiisiiyo labadaasi garab  ee hada isku heysta siyaasada dalalka Carabta.

Dhinaca kale xiriirka kala dhaxeeya Maraykanka ayaa wanaagsanaa walow uu ku khilaafay xulafadiisa Maraykanka siyaasadooda ku aadan dalka Iran oo ay cadaadiska ku hayaan.

Wuxuu dhawaan Amiir Sabah kamid ahaa hogaamiyayaasha Carabta ee diiday inay xiriirka la sameystaan Israel arrintaasi oo ay u ololeenayaan Baxreyn iyo Imaaraatiga.

Sanadihii lasoo dhaafay ayuu waday in la furfuro siyaasada dalkaasi oo qaaday tilaabadii ugu horeysay ee lagu soo doortay Baarlamaan, arrintaasi oo ay Kuwait uga duwanaatay dalalka kale ee Khaliijka.

Dhamaan hogaamiyayaasha dalalka Caalamka iyo Carabta ayaa ka tacsiyeeyay geerida Shiikh Sabah.

Xoghayaha Qaramada Midoobay oo goordhaweyd shir jaraa’iid qabtay ayaa sheegay in Amiirka Kuwait uu kamid ahaa hogaamiyayaasha ugu horeeyey oo maal badan ku bixiyey mashaariicda Qaramada Midoobay ee loogu gargaaro dadka dhibaateysan.

Hanad Askar
Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *