Ciidamada howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa si buuxda ula wareegtay amaanka goobta uu ka…
Ciidamada howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa si buuxda ula wareegtay amaanka goobta uu ka dhacayo shirka u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah ee ku dhawaaqay madaxweynaha xilhayntiisu dhamaatay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo socon doona 22ka ilaa 23ka Maarso 2021.
Bayaan kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Francisco Madeira ayaa lagu sheegay in madaxda dhamaantood loo ogolaan doonin in hubka ay la gudbaan marka laga reebo ilaalada gaarka ah ee loo yaqaan VIPda.
” Waxaan rabaa in aan u xaqiijiyo dhamaan hogaamiyaasha soomaaliyeed, in Amisom, iyada oo kaashaneysa hawlwadeenadeeda, ay meel mariyeen waxyaabaha lagama maarmaanka u ah si loo hubiyo in kulanku u dhaco jawi nabadeed, taas oo dhinacyada oo dhan ay ku kalsoon yihiin “
Francisco Madeira
Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa kadib markii uu madaxweynaha Puntland, walaac ka muujiyey amaanka goobta ay ka dagan yihiin Muqdisho oo u dhow garoonka diyaaraha.
Hoos ka akhriso:
Horseed Media