AMISOM Oo Lagu Wareejiyey Loogu Talagalay Amniga Doorashada

Published: August 6, 2021

Maamulka qeybta Booliiska ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa la wareegay kow iyo toban gaari oo loogu talagalay in kor loogu qaado hawlgallka ku aaddan sugidda amniga doorashada dalka.Soomaaliya.

Deeqdaan gaadiidka ah oo isugu jira shan Gaari oo gaashaaman iyo lix baabuur oo ah nooca Toyota Land cruiserka ah.waxaa bixiyay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Baabuurtaan waxay inta badan ay taageeri doonaan Unugyada Booliska AMISOM ee la shaqeeya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed .

Ku -xigeenka Ergeyga Gaarka ah ahna Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (DSRCC) ee Soomaaliya, Simon Mulongo, ayaa maalinimadii shalay gaadiidkaasi ku wareejiyay Taliyaha Booliska AMISOM,ahna, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska (AIGP), Augustine Magnus Kailie.

Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa hormuud ka noqon doonta sugidda amniga doorashada, iyadoo booliiska AMISOM ay kaalin taageero ah ka qaadan doonaan , si loo hubiyo in geeddi -socodku yahay mid ammaan ah oo sugan

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *