AMISOM Oo Muqdisho Looga Mudaaharaaday

Published: August 19, 2021

Mudaharaad looga soo horjeedo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka dhacay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeybgaleen ehelada dad shacab ah oo lagu eedeeyay in ciidmada AMISOM ay ku dileen magaalada Golweyn ee gobolka Shabeella Hoose.

AMISOM ayaa diiday qirashada dilka dadkan shacabka ahaa, hase ahaatee waxay sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso dhacdadan, iyadoo markii hore sheegtay inay dileen xubno argagixiso ah, hase yeeshee guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii iyo dad kale oo goobjoogeyaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dadkaas ahaayeen rayid oo beeraley ah.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay dilka dadkan rayidka ah ayaa sheegay in askartaas sharciga la horkeeni doono, isagoo dhinaca kale xusay inay la xaajoonayaan ehelada dadkii la dilay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *