Ammaanka Garoowe oo aad loo adkeeyey iyo wufuud badan oo soo gaarey

Published: February 14, 2012

Waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka magaala-madaxda Puntland ee Garoowe oo uu beri ka furmi doono wejiga 2-aad ee shirka dib u eegista Dastuurka.

Taliska ciidamada Booliska ee gobolka Nugaal ayaa sheegay in amaanka magaalada Garoowe uu yahay mid la isku halayn karo islamarkaana ay laamaha amaanku heegan sare ku jiraan.

Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Nugaal Faarax Warsame oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Booliska gobolka Nugaal oo ah kuwo aqoon iyo waaya aragnimo dheer u leh sugidda ammaanku ay dadaalkoodii sii laba jibaareen.

Dhinaca kale waxaa magaalada Garoowe kusoo qul qulaya wufuud ka socota dhinacyada shirkaas ka qayb geli doona oo shalay ilaa maanta kasoo degaya garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

Wefdi ka socda dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo uu qayb ka yahay ra`iisul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaana lafilayaa in saacadaha soo fool leh ay magaalada Garoowe soo gaaraan.

Qaban qaabada shirka Garoowe-2 oo beri furmi doona ayaa laga dareemayaa guud ahaan magaalada Garoowe, wuxuuna wejigii 1-aad ee shirkaasi Garoowe ka dhacay dhamaadka bishii Dec ee sanadkii tegey ee 2011.

 

Horseed Media