Ammaanka magaalada Muqdsiho oo la adkeeyey

Published: February 1, 2017

Ra`iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa shir-gudoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga doorashada Madaxweynaha oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirada Cadaaladda iyo Amniga, Ku-Xigeenka Ergeyga gaarga ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, iyo taliyayaasha ciidamada qalabka sida.

Mudane Carteh ayaa ugu horeeyn ka dhageystay taliyayaasha warbixin ku saabsan amniga dalka, kadibna kula dardaaramay in ay diiradda saaraan sugida amniga Xildhibaanada, Musharixiinta, iyo goobta ay doorashada ka dhaceyso.

“Waxa uu xil inaga saaranyahay in aynu sugno amniga Musharixiinta isla markaana diiradda saarnno doorashada Madaxtooyada ee isbuuca soo socda dalka ka dhaceysa”.

Dhanka kale, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa ciidamada qalabka sida iyo AMISOM kala hadlay in ay xoojiyaan wada shaqeeynta ka dhaxeysa iyo is dhaafsiga macluumaadka.

“Wada shaqeynta idinka dhaxeysa waa mida suurtagal ka dhigtay in si nabdoon ay u dhacaan doorashooyinkii labada aqaal, sidaa awgeed, waxa aan idinku dhiiragelinayaa in aad isla wadaagtaan xogaha amniga si loogu guuleysto sugida amniga doorashada Madaxweynaha”.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa dhamaan shacbiga Soomaaliyeed ka codsaday in ay ciidamada amniga kala shaqeeyaan sidii amniga u ahaan lahaa mid marwalba sugan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *