Amnesty: 13 000 oo qof ayaa lagu del-delay xabsiyo aan la aqoon gudaha Siiriya

Published: February 7, 2017

Ugu yaraan 13 000 oo qof ayaa lagu del-delay xabsiga Saydnaya ee dalka Siiriya tan iyo sanadkii 2011 sida ay sheegtey hay’adda Amnesty International.

Amnesty ayaa ku eedeysey Xukuumadda Siiriya in xabsiyada qarsoon ay u yihiin Kawaano dadka lagu gawraco.

Amnesty ayaa sheegaysa in dadka loo isticmaalo maxkamado Milteriga xabsigana lagu jirdilo, qaar badan ayaa la del-delay, maxaabiista dhexdooda ayaa la isku khasbaa in ay is kufsadaan, tbaha kale oomaxaabiista lagula kaco ayaa ah in cunnada loo diido oo ay macaluul u geeriyoodaan sida Amnesty sheegtay.

Omar Alshogre aa 21 sano jir waxa uu noqdey 35kg markii xabsiga laga soo daayey

Dad badan ayaa waayey qaraabadoodi markii ugu danbeyseyna ay ku jireen gacanta xukuumadda Bashar Al-assad.

Amnesty ayaa xogtan ka heshay waraysiyo ay la yeelatey dad ka badan 84 qof waxaana kamid ahaa 4 qof oo ilaalo ka ahaa xabsiyada iyo weliba 31 qof oo maxaabiis ahaa, Qaadiyaasha xukunka ku ridi jirey, Dhakhtar, qareeno iyo weliba khubaro kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *